Himilo – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Haiti ay tahay mid si aad ah looga welwelsan yahay, iyadoo rabshadaha kooxaha hubeysan ay si xad-dhaaf ah ugu faafeen dalkaas ku yaalla Kariibiyaanka.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Farhan Haq, ayaa Jimcihii u sheegay saxaafadda in ugu yaraan 1,520 qof lagu dilay, halka 609 kalena lagu dhaawacay rabshado hubeysan oo dhacay intii u dhaxaysay Abriil ilaa Juun 2025.
Muddadaas gudaheeda, waxaa sidoo kale la diiwaangeliyay ugu yaraan 185 kiis oo afduub ah iyo 628 qof oo loo geystay tacaddiyo galmo ah.
Xafiiska Isku-Duwidda Gargaarka Bani’aadamnimada ee QM (OCHA) ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah u taageeraan dadaallada lagu badbaadinayo dadka nugul, iyadoo lagu dalbanayo kordhinta wax ka qabashada xaaladda.
Tirada guud ee dadka lagu dilay Haiti tan iyo Oktoobar 2024 ilaa Juun 2025 ayaa kor u dhaaftay 4,800, sida ay sheegtay QM. Waxaa intaa dheer in boqolaal qof lagu dhaawacay, la afduubtay, loo geystay kufsi iyo ka ganacsiga dadka.
Rabshadaha kooxaha hubeysan ayaa sidoo kale sababay in in ka badan 1.3 milyan oo qof ay barakacaan sannadihii u dambeeyay.
Dalka Haiti ayaan qaban doorasho guud muddo ku dhow toban sano, iyadoo madaxweynihii ugu dambeeyay, Jovenel Moïse, lagu dilay hoygiisa gaarka ah bishii Luulyo 2021, taas oo keentay koror weyn oo rabshadaha burcadnimo ah.