Himilo – Dadka ka qeybgalayay xafladda aroos, waxay jawi farxadeed la qaadanayaan lammaanahan aqal galaya, balse daqiiqado intii lagu guda jiray dheesha iyo qoob-ka ciyaarka ayaa wax kasta is beddeleen markii arooskii uu si lama filaan ah ugu geeriyooday hortooda.
Ashraf Abu Hakam ayaa si lama filaan ah dhulka ugu dhacay, wuxuuna ku geeriyooday boqollaal marti ah hortooda, taas oo dhalisay qaylo, ilmayn iyo argagax.
Isbitaalka Kom Ombo ayaa loo qaaday si degdeg ah, balse dhakhaatiirtu waxay xaqiijiyeen inuu geeriyooday, sababo la xiriira wadno istaag degdeg ah.
Magaalada oo dhan ayaa gashay xaalad murugo iyo naxdin ah, madaama uu noqday arrin lama filaan ah, waxaana meydkiisa loo qaaday xabaalaha, halkaasi oo lagu aasay.
Maalin lagu waday in ay noqoto tan ugu farxadda badan noloshiisa ayaa isu beddeshay mid murugo iyo filan waa wadata.
Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay farriimo murugo leh iyo ducooyin, halkii ay horay uga buuxeen hambalyo iyo farxad aroos. Asxaabtiisa oo la joogay xafladdii meherkiisa ayaa muujiyay niyad-jab iyo murugo weyn, iyagoo sheegay in saacado uun ay u dhaxaysay farxaddii arooska iyo geerida naxdinta leh.
Mid ka mid ah asxaabtiisa ayaa si murugo leh u yiri:
“Waxaan la hadlay laba maalmood ka hor si aan ugu hambalyeeyo, sheeko yar ayaan wadaagnay, wuxuuna hadalkii ku soo afjaray ‘kulankeenna waa nasiib’. Maanta nasiibkii wuu dhammaaday. Walaalkay, Ilaahay ha kuu naxariisto.”
Qof kale oo ka mid ah saaxiibadiis ayaa isna yiri:
“Ilaahayow u naxariiso oo u dambi dhaaf, jannada ha u hoydo. Ma lihin waxaan dhihi karno mooyee إنا لله وإنا إليه راجعون. waxaad naga tagtay adigoo qalbiyadeenna saameeyay.”
Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Kom Ombo ee ku taalla gobolka Aswan ee dalka Masar ayaa noqotay mid si weyn looga hadlay gudaha iyo dibadda Masar, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen “maalin farxad ahayd oo isu bedeshay murugo aan la ilaawi karin.”
Radio Himilo
