Home / Cayaaro / Xiddigii hore ee Man Utd Martial oo ku biiray Monterrey

Xiddigii hore ee Man Utd Martial oo ku biiray Monterrey

Himilo – Weeraryahankii hore ee Manchester United Anthony Martial ayaa dhameystiray ku biirista kooxda reer Mexico ee Monterrey oo uu kaga  biiray AEK Athens.

Martial, oo 29 jir ah, oo United u saftay 317 kulan, islamarkaana dhaliyay 90 gool sagaal sano oo uu ku sugnaa Old Trafford, ayaa u saxiixay heshiis labo sano ah kooxda Liga MX ka ciyaarta , iyadoo dookh u haysata sanad dheeri ah.

Waxa uu ka tagay United markii uu dhacay qandaraaskiisa 2024, waxaana uu u dhaliyay 7 gool 19 kulan oo uu u saftay kooxda Giriiga ee AEK.

Martial ayaa noqday da’yarka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka markii ay United siisay Monaco 36 milyan ginni si ay ula soo wareegto 2015kii.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa seegay AEK todobadii kulan ee lasoo dhaafay, waxaana ugu dambeysay kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Hapoel Be’er Sheva wareegii labaad ee isreebreebka Conference League bishii july.

Halyeeygii hore ee Spain iyo Real Madrid Sergio Ramos ayaa ku biiray Monterrey bishii Febraayo.

Waxay ku jiraan kaalinta labaad ee miiska waxayna la ciyaarayaan kooxda Querataro Isniinta.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan