Himilo – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiis nabadeed oo ay kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) iyo Rwanda, kadib wada-hadal ay dhexdhexaadisay dowladda Mareykanka oo ka dhacay magaalada Washington, DC.
“Heshiiskani waa tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca dejinta xiisadda, nabadda iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo guud ahaan gobolka Harooyinka Waaweyn,” ayuu Guterres ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray.
Guterres ayaa ammaanay kaalinta Mareykanka uu ka qaatay fududeynta heshiiskan, isagoo xusay inuu sidoo kale mahadcelinayo Qatar iyo madaxweynaha Togo Faure Gnassingbé oo ah dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika.
Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay shanta wakiil ee uu magacaabay Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC) iyo Urur-weynaha Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) kuwaas oo ka qeyb qaatay geeddi-socodka nabadeed.
“Waxaan ugu baaqayaa labada dhinac inay si buuxda u gutaan ballanqaadyadii ay ku galeen heshiiska nabadeed, iyo sidoo kale kuwa ku qoran qaraarka Golaha Ammaanka ee lambarkiisu yahay 2773 (2025), oo ay ku jirto joojinta colaadda iyo dhammaan qodobbada la isla meel dhigay,” ayuu yiri Guterres.
Xoghayaha Guud wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay, gaar ahaan howlgalka nabad ilaalinta ee MONUSCO, ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda hirgelinta heshiiskan, iyadoo si dhow ula shaqeynaysa Midowga Afrika iyo la-hawlgalayaal goboleed iyo caalami ah.
Heshiiskan la sugayay muddo dheer ayaa waxaa si rasmi ah u saxiixay wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal – DRC iyo Rwanda – xaflad ka dhacday Washington oo uu goobjoog ka ahaa xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in colaadda u dhaxeysa labada dal ay sababtay barakaca in ka badan 7.8 milyan oo qof.