Home / Macluumaad / Yahye Sinwar: hogaamiyaha kooxda Xamas ee dajiye taatikada ciidanka Israel lagu jabiye

Yahye Sinwar: hogaamiyaha kooxda Xamas ee dajiye taatikada ciidanka Israel lagu jabiye

Himilo-Hoggaamiyaha caanka ah ee kooxda Falstiniyiinta ee Xamaas, Yaxya Sinwar, waxuu xilal sare ka soo qabtay garabka militariga iyo midka siyaasadda ee Xamaas, wuxuuna hadda madax ka yahay xarrunta ururka ee Qaza.

Yaxya Sinwar, wuxuu ku dhashay xerada qaxootiga ee Khan Yoonis ee ku taalla Qaza, sannadii 1962.

Waxaa la xiray oo afar jeer lagu xukumay xabsi daa’im sannadii 1988, ka dib markii lagu helay dambi ah in uu aasaasay ururka Al-Jihaad wa Dacwah, oo ah qeybta Xamaas u qaabilsan amniga Gudaha.

Xilligii la aasaasayay laantan waxaa socday kacdoonkii koobaad ee Falatiniyiinta uga soo horjeedeen Israa’iil.

Waxaa xabsiga laga sii daayay sannadii 2011-kii xilligaasi oo ay Israa’iil maxaabiis Falastiniyiin ah ku baddelatay askarigii ka tirsanaa militarigeeda ee la odhan jiray Gilad Shalit.

Labo sano ka dib markii la sii daayay, waxaa loo xushay in uu xubin ka noqdo xafiiska uruuka Xamaas. Sannadii 2015, Mareykanka ayaa ku daray diiwaanka argagixisada caalamiga ah.

Sannadii 2017, ayaa loo doortay in uu noqdo madaxa Xamaas ee Qaza.

Walaalkiis ka yar oo lagu magacaabo Maxamed Sinwaar, oo ku magac dheer yahay Abu-Ibrhaim, ayaa taliye ka ahaa guutada Al-Qasam ee Xamaas. Maxamed ayaa la sheegay in uu ka qayb qaatay dagaalkii sannadkii 2006 lagu afduubtay Gilad Shalit.

Maxamed ayaa ka badbaadday dilal dhowr ah oo qorsheysan oo ay militariga Israa’iil soo abaabuleen, sida  lagu daabacay shabakadda fadhigeedu yahay Qaza ee Qudsnet, bishii July 2015.

Wuxuu haystaa Shahaadada koobaad ee Jaamacadda, wuxuuna ku taqasusay luqadda Carabiga.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan