Home / Maalmaha Caalamiga / 02 November – Maalinta Caalamiga ee Ka hor-tagga Xadgudubka ka dhanka ah Wariyayaasha

02 November – Maalinta Caalamiga ee Ka hor-tagga Xadgudubka ka dhanka ah Wariyayaasha

Himilo – Keliya sanadkii la dhaafay, waxaa la dilay 124 wariye oo saddex meelood labo meel ah Falastiiniyiin, halka sanadkan la dilay 79 sid ay sheegtay CPJ. Waxaa nolosha la seejiyay iyaga oo soo tebinta warar iyo warbixinno bulshadoodu u baahan tahay. 90% dilalka wariyaasha loo geysto ma noqdaan kuwa la isku qabto oo aan maxkamad loo soo istaajinin.  Si kale marka loo yiraahdo, 10% ayaa dhacda in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha dilalka u geysta suxufiyiinta.

UNESCO waxay ka walwalsan tahay sida dhammeyn la’aanta xad-gudubyada loo geysto wariyaasha ay wax-yeelo ugu keeni karto bulshooyinka taas oo geesta kale ka xagal-daacinaysa ilaalinta xuquuqda insaanka – siina dhiirri-gelinaysa musuqa iyo danbiyada. Dowladaha, ururrada bulshada rayidka, warbaahinta iyo qof walba oo ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga waxaa la warsanayaa inay kamid noqdaan dadaallada caalamiga ah ee lagu idleynayo xad-gudubyada ka dhanka ah wariyayaasha.

Waana baaqa aqoonsiga fiirada dheer ee ka hor-tagga dhammeyn la’aanta xadgudubyada midda keentay in Kal-fadhiga Guud ee QM ay 2 bishii November sanadkii 2013-ka u aqoonsato Maalinta Caalamiga ee Kahor-tagga Dhammeyn La’aanta Xad-gudubyada ka dhanka ah wariyayaasha.

Baaqa ayaa ku tirtirsiinaya xubnaha ku jira QM inay dhaqan-geliyaan halbeeg sax ah oo lagu hubsanayo kahor-taga tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta.

Si kastaba, xuska Maalintan waxaa dib loogu celiyaa shirqoolka laba wariye oo Faransiis ah oo lagu dilay dalka Mali sanadkii 2013-ka.

Soomaaliya oo kamid ah saddexda dal ee ugu halista badan wariye inuu ka howl-galo waxaa taariikhda la qoray ugu yaraan lagu dilay 70 wariye oo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali.

Wariyaasha dalka ka shaqeeya sida kuwa kale malahan doorashada ay kaga gaashaaman karaan tumaatida lagu hayo – mana oga nuuca dhiilo oo mararka qaar keensanaysa inuu ifka si sahlan kaga tago.

Jiritaan la’aanta daba-gal mira-dhal noqda iyo kororka tirada suxufiyiinta siyaalaha kala duwan ugu dhinta dalka, Soomaaliya hoy badbaado uma ahan shaqada saxaafadda, marka loo eego UNESCO.

Tallaabta kale ee rajada liidata kusii beeraysa suxufiyiinta, ayay tiri warbixintu, waa inaysan heysan waddo ay ku hubsadaan badqabka goobaha shaqadooda. Sidaas awgeed, saxaafaddu malahan saadaal muuqata oo ay ku ogaan karaan nuuca uu u ekaan karo mustaqbalka dhow iyo midka fog.

Inta aan la gaarin ka hadalka xadgudubyada lagu hayo suxufiyiinta, dad badan ayaa qaba in dib u eegis qoto dheer marka hore lagu sameeyo hannaanka ay ku shaqeyso warbaahinta. Helidda qiimeyn sugan oo warbaahintu isaga sameyso goldaloollada muuqda iyo sida ay laf ahaanteedu warka u dhigayso, waxay qeyb dhan ka xoojin kartaa inay ku baraarugsanaadaan halka ay sartu ka qurun san tahay. Waana dhanbaal haddiyo jeer loogu tilmaamo inay deymo gaar ah u yeelato.

Balse inta saxaafadda loo arkayo muraayad qof kasta uu iskaga dhex arki karo si isla xisaabtan sidata, tacadiyadu waxay noqonayaan dhamaadka aan lagu farxin ee la soo weriyo.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan