Home / Maalmaha Caalamiga / 15 July: Maalinta Caalamiga ah ee  xirfadaha dhallinyarada

15 July: Maalinta Caalamiga ah ee  xirfadaha dhallinyarada

Sanad kasta 15-ka julay waxaa dunida laga xusaa Maalinta caalamiga ah ee  Xirfadaha Dhallinyarada, ayado  ujeeddadeedu ay tahay in sare loo qaado xirfadda dhallinyarada,  isla markaana loo suurtageliyo in ay la xiriiraan xarumaha waxbarashada iyo tababarrada si loogu diyaariyo suuqa shaqada.

Sannadkii 2014-kii, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa 15-ka Luulyo u aqoonsaday Maalinta Xirfadaha Dhallinyarada Adduunka, iyadoo loo dabaaldegay muhiimadda istiraatijiyadeed ee ay leedahay in dhallinyarada lagu qalabeeyo xirfadaha looga baahan yahay shaqo-abuurka iyo hal-abuurka  ganacsi.

Sanadkaan  2025, oo ay  ku beegan tahay sannad-guuradii tobnaad ee maalintan xirfadaha dhalinyarada adduunka, waxaa hal-ku dheg  loo qaatay  xoojinta dhalinyarada iyada oo loo marayo sirdoonka macmal ah iyo xirfadaha dhijitaalka ah.

Maalinta Xirfadaha Dhallinyarada Adduunka waa munaasabad rasmi ah oo uu aqoonsaday Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo lagu saleynayo sida ay u aaminsan yihiin doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ka ciyaaraan horumarinta dalalka heer kasta iyo dhinac kasta. Sidaa darteed, siinta xirfadaha lagama maarmaanka u ah si loo gaaro yoolkan waxay noqotay lama huraan buuxda.

Sida laga soo xigtay Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah, heerka shaqo la’aanta dhalinyarada adduunka ayaa gaari doonta ku dhawaad 14.7% sanadka 2025, taas oo ah ku dhawaad seddex jeer celceliska caalamiga ah ee 5.8%.

Heerkani waa mid ay aad ugu kala duwanyhiin  wadamada horumaray iyo kuwa soo koraya,waxana uu gaarayaa ku dhawaad 23% wadamada soo koraya,halka uu ku dhawaad 10% ka gaarayo wadamada horumaray. Tan waxaa loo aaneynayaa la’aanta fursadaha tababarka, habacsanaanta barnaamijyada waxbarashada, baahida suuqa,  heerka sare ee saboolnimada iyo takoorka jinsiga, gaar ahaan gobollada leh kaabayaasha waxbarasho ee liita.

Qiyaastii 35% dhalinyaradu ma laha xirfadihii lagama maarmaanka u ahaa inay ka shaqeeyaan qaybaha tignoolajiyada casriga ah, taas oo caqabad ku ah fursadaha ay ku heli karaan shaqooyin mushahar sare leh iyo horumarinta ganacsiyada casriga ah.

Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, boqolleyda dhalinyarada leh xirfadaha dhijitaalka ah waxay u dhexeeyaan 40% iyo 50%, taasoo ka tarjumaysa baahida degdegga ah ee loo qabo in la maalgeliyo waxbarashada dhijitaalka ah iyo tababarka xirfadaha.

Taas oo jirto hadaba Sannadka 2025-ka waxa si weyn u kordhay mugga barnaamijyada tababarrada dhallinyarada, iyadoo in ka badan 1.2 bilyan oo saacadood oo tababarro xirfadeed ah la bixiyey caalamka oo dhan, taasoo ah koror dhan 15%  marka loo eego sannadkii hore

Tani waxay muujinaysaa xiisaha sii kordhaya ee dawladaha iyo ururada caalamiga ah ee ku saabsan xoojinta dhalinyarada iyada oo loo marayo tababaro xirfadeed iyo horumarinta joogtada ah.

Daraasaduhu waxay muujinayaan in waddamada sida weyn u maalgeliyay barnaamijyada tababarrada dhalinyarada ay gaareen heerka kobaca dhaqaale ee 2-3% taas oo   ka sarreeysa kuwa maalgashiga  yar.

Marka la eego macnaha guud ee maalgelinta, dawladaha iyo ururada caalamiga ah waxay u qoondeeyeen in ka badan $ 35 si ay u maalgeliyaan barnaamijyada tababarka dhalinyarada, 20% ayaana  kordhay 2024. Maalgelintaan  waxay diiradda saartaa horumarinta xirfadaha dhijitaalka ah, hal-abuurka ganacsiga, iyo tababarrada farsamada, iyada oo ujeedadu tahay fududaynta gelidda  dhalinyarada ee suuqa shaqada iyo helitaanka dhaqaale waara.

Hindisaha Qaramada Midoobay ee “Skills for All” waa mid ka mid ah barnaamijyada ugu caansan caalamka, ujeedaduna tahay in la tababaro 100 milyan oo dhallinyaro ah 2030. Intaa waxaa dheer, mashaariicda gobolka sida “Skills for All” ee gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ayaa la bilaabay iyadoo lagu beegsanayo 10 milyan oo dhallinyaro ah 2027.

Inkastoo guulahaas la gaaray, hadana weli waxaa taagan caqabado ay ka mid yihiin Kala-duwanaanta maalgelinta, is-waafajinta barnaamijyada leh baahida suuqa shaqada, iyo kala-duwanaanta jinsiga, taasoo caqabad ku ah gaaritaanka yoolalka la doonayo

In dhalinyarada lagu xoojiyo xirfadaha lagama maarmaanka ah waxay albaabada u fureysaa horumarka dhaqaale iyo bulsho, waxay yaraynaysaa heerka shaqo la’aanta,iyado  kor u qaadaysa awooddooda hal-abuurnimo gaar ahaan marka la eego isbeddellada teknoolojiyadda degdegga ah ee dunidu ku talaabsaneyso, waana hababka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo mustaqbal waara oo barwaaqo ah dhammaan dadka oo dhan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan