Home / Arrimaha Bulshada / 29 September – Maalinta caalamiga ah ee iska wacyi-gelinta khasaarinta cuntada

29 September – Maalinta caalamiga ah ee iska wacyi-gelinta khasaarinta cuntada

Himilo – Cunno marka la qeexayo waa wax waliba tamar siiya jirka. Waxey ka caawisaa qofka in jirkiisu koro, helo unugyo cusub, si hagaagsan u shaqeeyo, dhismo.

Dadyowgii hore waxay cunnada ku raadsan jireen hab u gaarsi ah, halka qaarkoodna ku tiirsanaayeen wax soo saarka xoolaha amaba beereed.

Markiise ay korortay tiradka dad ku nool dunida waxaa iyagana xoogeysatay baahida loo qabo in la helo cunno badan.

Waxaa maskaxda aadanuhu hindistay warshado, kuwaas oo illaa iyo maanta soo saara cunnooyin kasacadeysan oo muddo ooli kara.

Marka faa’iidadaasi laga yimaado waxa ay sababtay khasaaro markii dadku iibsadeen cunnooyin ka badan dabadeedna ay khasaariyeen intii dheeriga ahayd.

Si mushkiladaasi xal loogu helo ayaa fadhigii 74-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay waxaa la isla qaatay in 29-ka September dowlaha iyo bulshada caalamka lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay cunnada.

Maxey maalintan muhiim u tahay?

14-boqolkiiba cunnooyinka lasoo saaro dunida oo dhan waxey noqdaan kuwa khasaaray oo waxey ku lumaan gacanta u dhaxeysa beeraleyda iyo ganacsatada, iyo macaamiilka, taas oo ay sii dheer tahay tan ay lumiyaan isticmaalayaasha.

Marka la khasaariyo amaba ay wasaqowdo cunnada waxaa sidoo la waayaa kheyraadkii ka qeyb qaadanayay soo saarkeeda sida Biyaha, Dhulka, Xoogga shaqada, Tamarta iyo raasumaalka.

Waxaa taasi sii dheer in cunnada oo la daadiyaa ay horseeddo isbeddel ku yimaada cimilada, taas oo natiijadeeda la hayo maanta.

700-milyan oo ruux oo maanta ku nool caalamka ayaa si maalinle ah u gaajooda, iyada oo ay jirto in cunno la la quudan karo la khasaariyo.

Halka ku dhawaad 800-milyan-na ay la daalaa dhacayaan macluul ka dhalatay cunno yari, sida ay sheegtay hay’adda ka shaqeysa beekhaaminta cuntada oo fadhigeedu yahay Ingiriiska.

Wadamada horumaray ayaa sannad waliba khasaariya xaddi cunno oo ka badan dalalka kale, balse taasi kama dhigna in wadamada saboolka ah amaba soo koraya inaysan khasaarin cunno.

Khasaarinta cunnada waa ay sii jiri doontaa, sida lagu muujiyay shaxda Qaramada Midoobay. Sannadka 2030-ka waa la saadaalinayaa in cunnada la khasaariyaa ay gaari doonto 2.1-bilyan oo ton, halka ay maanta ka tahay 1.6-bilyan oo ton.

Cunnadaasi ayaa ka dhigan in dunida ay lumin doonto dhaqaale dhan 1.5-trilion oo doolar, marka loo eego maanta oo la khasaaro 1.2-trilion oo doolar.

Waxay taasi astaan u tahay inay kordhi doonaan tirada dadka gaajoon doona oo waxaa la filayaa in ay gaaraan 870-milyan oo ruux.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan