Himilo FM –Unai Emery waxa uu xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Arsenal ku hoggaamiyay guulo wacan balse waxaan ka marneyn guuldarrooyin uu la kulmay.
Haddaba waxaan halkaan kugu soo gudbinayaa toddobo ciyaaryahan oo uu heshiiskoodu dhacayo bisha June.
Petr Cech
Kaddib wakhti dheer uu ka ciyaarayay horyaalka Premier League oo uu wax waliba ka sameeyay halyeygan qaranka Czech goolka u waardiyeeya ayaa horay ugu dhawaaqay in gabi ahaanba uu gacma gashiga iska dhigayo dhammaadka fasalkan.
Stephan Lichtsteiner
Waa dooq kale oo aan hadda ku faraxsaneyn kooxda Gunners tan iyo markii uu si bilaash oo hal sanno ah ugu soo dhaqaaqay kooxda Juventus. 35jirkan ayaa u muuqda mid naadiga isaga tagaya wuxuuna ku bixi doonaa si bilaash ah marka la gaaro bisha July.
David Ospina
Goolhayan u dhashay dalka Colombia ayaa ammaah sannad ah ku kharasha gareeyay kooxda Napoli. Laacibkan ayaa Arsenal u ciyaaray sannadkii lasoo dhaafay markaasi oo ay kooxda lasoo saxiixatay Bernd Leno oo ka yimid Leverkusen. Xiddigan ayay macquul tahay in uu kamid noqdo kuwa ugu dhaw ee ka tagaya waqooyiga caasimadda London.
Denis Suarez
Ma jiro taageere Arsenal ah oo ku qanacsan farsamada xiddigan, laacibkan waxaa gabagabo u maraya lix bil oo ammaah uu kaga soo dhaqaaqay Barcelona.
Suarez ayaa ku guuldareystay in uu kasbado indhaha dunida, inkastoo dooq ay u heystaan oo ay kula saxiixanayaan heshiis joogta ah balse da’yarkan ayaa goor sii horreysay ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyay ee kooxda oo uu xiran yahay maaliydda Arsenal.
Kaddib markiii ay dhibaato kasoo gaartay gumaarka, waxaa macquul ah in gabi ahaanba uu kooxda dib ugu soo laaban oo uu ku laabto Barcelona oo iyadu milkiyaddiisa iska leh.
Matt Macey
Waa goolhaye da’yar kaasi oo ka ciyaara horyaalka League 1 gaar ahaan kooxda Plymouth.
Wali waa da’yar oo fursad u heysta u ciyaarista wakhti badan kooxda Arsenal laakiin xaqiiqdii ma dhihi kartid waa uu ku ficnaan lahaa Premier League, waxaana laga yaabaa inuu tago.
Danny Welbeck
Laacibkan ay dilooshadeen dhaawacyada ayaa hadda ku jira wakhtiyadiisii ugu xummaa ee horyaalka Premeir league, haatan dhowr kooxood ayaa u soo bandhigay dalabyo, ciyaaryahanka reer England ayaa sidoo kale bilaabi kara in uu xirxirto boorsadiisa kooxda Gunners, wuxuuna uu ku jiraa maalmihiisii ugu danbeeyay ee naadiga.