Himilo – Sanadkii 1997-kii, ayaa koox kuwa carruurta ka ganacsata ah waxey ka afduubteen banaanka gurigooda oo ku yaalla bariga Shiinaha, markaasi oo uu ahaa laba sano iyo shan bil jir.
Guo Gangtang, waxa uu ka tanaasulay shaqadiisa isaga oo billaabay inuu raadiyo wiilkiisa.
Mootadiisan oo uu suray sawirka wiilkiisa ayuu kaga gudbayay dhul buura ah, mid dhagax leh, iyo buundooyin, marka ay sahayda ka go’do ayuu dadka weydiisan jiray inay siiyaan lacag si safarka usii wato.
Maalin weliba marka gabbalku u dhaco, ayuu buug ugu qori jiray wiilkisa sida safarka baadigoodku ahaa, waxa uuna ku gabagabeyn jiray “Aabe waan ku raadiyay kumana helin ee halkee ku dhuumatay”.
Sanado kaddib waxaa loo soo jeediyay inuu joojiyo baadi goobka, balse ma yeelin oo waxa uu rumeysnaa in uu heli doono wiilkiisa.
Dedaalkiisa waxa uu soo jiitay, kumanaan ruux oo qaarkood samafalayaal oo kula biiray howsha raadinta wiilkiisa.
Intii uu u jiray raadinta, aabe Gangtang waxaa uu illaa toddobo qoys dib ula mideeyay caruurtooda oo muddo ka maqneyd, inkastoo uusan weli helin cunugiisa.
2015-kii ayaa sheegada aabahan laga sameeyay filim qaatay magaca “Jaceyl iyo lumid” “Lost and Love”, taasi oo xoojisay howsha baadidoonka ah.
Kaddib 24 sano iyo safar uu ku jaray dhul gaaray 500,000km, waxaa soo yeeray dhawaq ahaa in wiilkiisu nool yahay, kaasi oo rajo geliyo.
Baaritaan hidasidaha DNAda ah ka gadaal waxaa la xaqiijiyay in bare wax ka dhigi dul ku yaalla gobolka bartamaha dhaca ee Henan uu yahay wiilka Guo Gangtang.
Dowladda ayaa sheegtay in wiilka oo hadda 26-jir kooxdii afduubatay ay ka iibiyeen qoys ku noolaa isla gobolkaasi, Markii aabahan oo 70-jir ah dib loola mideeyay wiilkiisana xaalku sidan ayuu noqday.
Sida ay sheegtay dowladda Shiinaha, sanadkan gabagabada ah in ka badan 8-kun oo caruur la afduubtay ah ayaa dib ula midowbay waalidiintii dhalay oo uu ku jiro Guo Gangtang.
W.Q: Sacdiya Nuur Ciid
Radio Himilo
