Home / Macluumaad / Adaabta munaasabadda Iiddul Fidriga

Adaabta munaasabadda Iiddul Fidriga

Himilo – Iiddul Fidriga waa mid ka mid ah munaasabadaha farxadeed ee muslimiinta u gaarka ah. Dhamaadka bisha soon-qaad ayaa loo debbaal degaa sanad walba.

Waxaa jira waxyaabo sunne ah oo ay ku taliyaan culimada in la sameeyo inta lagu guda jiro maalmaha munaasabadda iiddul fidriga.

1- In la mayrto, la xirto dharka ugu wanaagsan ee heli karo, isla markaaanna la marsado waxyaabaha leh udgoon fiican.

2- Waxaa sunne ah in salaadda ka hor wax cuno sida timir tiradeedu is dheer tahay (Kinsi ah). Balse haddii ay tahay Iiddul Adxaa wax lama cuno salaadda ka hor.

3- In marka laga soo noqonayo salaadda iidda laga soo noqdo waddo aan ahayn tii markii hore la soo qaaday, sidii uu Rasuulkuba SCW samayn jiray maalmaha ciidaha.

4- Waxyaaba kale waxaa ka mid ah inay dumarka iyo carruurta ay ka soo baxaan guryaha kana soo qeyb galaan salaaddaa.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan