Home / Macluumaad / Afka Shiinaha oo loo dhigayo ardayda dugsiyada waxbarashada Sacuudiga

Afka Shiinaha oo loo dhigayo ardayda dugsiyada waxbarashada Sacuudiga

Himilo – Wasaaradda waxbarashada Sacuudiga ayaa shaacisay in afka Shiinaha laga bilaabi doono dugsiyada boqortooyada fasal waxbarasheedka labaad ee soo socda.

Qoraal ay dhigtay bogga Twitter-ka, afhayeenka wasaaradda waxbarashada Ibtisam Al-shahri ayay ku sheegtay in afka Shiinaha laga dhigi doono 8 dugsi oo afar kamid ah ku yaallaan Riyadh.

Sida laga soo xigtay afhayeenka, qaadashada maadada lagu baranayo afka Shiinaha waxay noqoneysaa mid khiyaari ah oo uusan ardayga ku qasbaneyn.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe boqortooyada ku dooneyso in afka Shiinaha lagu gaarsiiyo dhammaan qeybaha waxbarashada dalka.

Tani waxay ka danbeysay markii Sacuudiga iyo Shiinaha gaareen heshiis afka Shiinaha looga mid dhigayo muqarraraadka waxbarashada bishii Febraayo ee sannadkii 2019 si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan