Himilo – Inkasto oo sii socoshada dagaalka Ruushka iyo Yukreyn ay sababi karto mushkilad xagga Cunnada iyo Shidaalka ah oo ku habsata dalalka Africa ee ku xiran wax soo saarka dalalkaasi diriraya, haddana waxa ay ka dhaxli kartaa qaaradda faa’iidooyin la mahdin karo.
Samia Suluhu Hassan, Madaxweynaha Tanzania, ayaa qabta in wadamada Africa ee leh Tamarta dabiicigga ay fursado ka heli karaan dalalka ku xiran shidaalka Ruushka.
Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo u jiheysata il kale oo ay ka helaan tamarta dabiiciga ah, ayaa horseedi karta in wadamada Nigeria, Tanzania, Niger, Algeria iyo kuwa kale in shidaalkooda dabiiciga ah ay u helaan suuq cusub, sida ay ka sheegtay Marwo Suluhu shirkii Midowga Yurub iyo kan Africa ee qabsoomay bartihii bishii tagtay ee February.
Dhowr dal oo kale ayaa ka faa’iideysan kara tamar yarida soo wajahday Yurub, sida Senegal oo sahan la sameeyay intii u dhaxeeysay sanadihii 2014-2017 lagu ogaaday inay leedahay keyd dhan 40 trillion cubic oo gaaska dabiiciga ah, kaasi oo soo saarkiisa la qorsheynayo in la billaabo dabayaaqada sanadkan.
16-kii Bishii February, Nigeria, Niger iyo Algeria, ayaa saxiixday heshiis seddax geesood ah oo lagu horumarinayo dhuumaha qaada shidaalka, kaasi oo ku kacaya adduun dhan $13 bilyan.
Dalka K/Africa oo ah kan labaad ee ugu wax soo saarka badan maadada palladium ee laga sameeyo kombuyuutaradda iyo taleefannada gacanta, waxaa u furan suuq ay ka faa’iideysan karaan, maadaada Ruushka oo kaalinta 1aad kaga jira soo saarka iyo dhoofinta maadadaasi la dul dhigay cunaqabateynno.
Dalalka Africa qaarkood ayaa billaabay inay yareeyaan ku tiirsanaanta shidaalka iyo qamadiga ka yimaada Ruushka iyo Ukraine, taasi oo fursad siineysa wax soo saarka Qaaradda.