Himilo – Barcelona ayaa qorsheysay in ay ilaa 50 milyan ginni ku bixiso soo xero gelinta weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski, sida lagu sheegay warbixin.
Weeraryahanka reer Poland ayaa gali doona sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa kooxdiisa, iagoo aan wax heshiis kordhin ah wali la gaarin naadiga.
Barca ayaa la sheegay inay ka mid tahay kooxaha isha ku haya xaaladiisa ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan dhamaadka xiliciyaareed kaan, Sport ayaana warineysa in Catalans ay ka fiirsaneyso inay bixiso €50m (£41.6m) si ay u hesho saxiixiisa.
Xiddigan ayaa o dhaliyay 31 gool oo Bundesliga ah 27 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, Lewandowski ayaa sii wada in uu Bayern ku hoggaamiyo koobkii 10-aad oo xiriir ah ee Bundesliga ee Germany.