Home / Cayaaro / Barcelona oo xoojinaysa dadaalka ay ku dooneyso Adama Traore

Barcelona oo xoojinaysa dadaalka ay ku dooneyso Adama Traore

Himilo – Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay xoojineyso dadaallada ay ku dooneyso cayaaryahanka Adama Traore kaddib markii ay oggaatay in Real Madrid xiiseynayso laacibka kooxda Wolverhampton Wanderers.

24 jirka ayaa sameeyay bandhig wanaagsan xilli cayaareedkan isaga oo soo jiitay kooxo badan oo Yurub ah iyada oo uu dhaliyay afar gool islamarkaana caawiyay toddobo kale 24 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah.

Traore ayaa xirfaddiisa ka soo billaabay Barcelona laakiin keliya afar kulan ayuu u saftay kooxda weyn kahor inta aan laga iibin Aston Villa sannadkii 2015-ka.

Kooxda reer Spain ayaa hadda lagu soo waramayaa inay dadaal ugu jirto in Adama Traore lagu soo celiyo garoonka Camp Nou sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail.

Labada koox, Barcelona iyo Real Madrid midna ma aysan u dhaqaaqin Traore laakiin waxaa la rumeysan yahay in labaduba xiiseynayaan laacibka orodka badan.  Qandaraaska Traore ee Wolves ayaa ku eg dhammaadka sannadka 2023-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan