Himilo – Inter ayaa qarka u saaran inay xirto heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka kaga ciyaara Milan Hakan Calhanoglu kaasoo lagu soo waramayo inuu tijaabada caafimaadka u mari doono berri isla markaana uu u saxiixi doono heshiis seddex sano ah Nerazzurri.
SportItalia ayaa warinaysa in xidigii hore ee Bayer Leverkusen uu dhawaan la saxiixan doono kooxda Inter, madaama wakiilka ciyaaryahanka la filayo maanta inuu ku sugnaado xarunta Viale della Liberazione.
Sky Sport Italia ayaa xaqiijineysa in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Turkiga uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro Inter, madaama uu saxiixi doono heshiis ku eg June 2024.
Calhanoglu ayaa la siiyay ilaa 30ka June si uu u aqbalo qandaraaska uu Milan sanadkii ugu qaadanayo € 4m, lakiin waxa uu go’aansaday inuusan u cusbooneysiinin Rossoneri.
Idaacada ayaa baahisay inuu ku biiri doono kooxda Inter heshiis sadex sano ah oo uu sanadkii ku qaadanayo € 5m oo lagu daray 1m oo gunooyin ah.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Inter ay qorsheysay Calhanoglu inuu tijaabada caafimaadka u maro Beneamata berri.
Saxafiga reer Turki ayaa la hadlay Calhanoglu aabihiis, kaasoo shaaca ka qaaday inuu la saxiixan doono Inter.
“Hakan Çalhanoğlu kuma jiro qorshaha Galatasaray,” ayuu yiri. Waxaan la hadlay aabihiis, Huseyin Calhanoglu. Haddii aysan wax qaldamin, wuxuu u saxiixayaa Inter. ”
Radio Himilo
