Himilo – Soonka waxa uu marayaa heer gabagabo ah, dhammaadka bishan ramadaan waxey muslimiinta caalamka u dabbaal-degaan ciidul Fitriga.
Inkasta oo ay ku xiran tahay aragtida bisha soon-fureed, haddana waxey dowladaha Islaamka isku raacsan yihiin in ciiddu noqoneyso Isniin- labada bisha May- haddii aanan la arkin bisha Shawaal.
Raadinta bisha waxey caadiyan billaabataa 29-ka bisha Soon, markaasi oo la go’aamiyo in maalinta xigta ay tahay Ciid iyo in kale.
Hay’adda Cirbiyeenka UK, ayaa sheegtay in bisha la filayo inay soo muuqato caawa 20:28GMT xilliga dalkaasi, oo ku beegan 10:28PM waqtiga geeska Africa.
Dowladaha islaamka ayaa sidoo kale bilaabay raadinta bisha Shawaal, iyaga oo u adeegsanaya qalab tiknooloji oo ka caawin kara aragtideeda sida Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudiga oo sii rakibtay qalabkaasi.
Waxaa jira dowlada sii iclaamiyay in maalinta berrito ah tahay kowda bisha Shawaal, waxaa ka mid ah Australia iyo Singapore, Pakistan na waxey sheegtay inaan weli la arag bisha.
Haddii la arko bilshada bisha shawaal, waxaa looga dhawaaqaa badanaa muuqaal-baahiyeyaasha dowladaha caalamka, Radiyaha iyo Masaajidda oo laga iclaamiyo.