Himilo – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Dani Ceballos ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu ku laabanayo Premier League isagoo labo sano amaah kula soo qaatay Arsenal.
Xiddiga reer Spain ayaa ku soo laabtay Emirates xilli ciyaareedkii 2020-21 ka dib markii uu wacdaro ka dhigay ololihii 2019-20, laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu saameyn badan yeesho xilli ciyaareedkii hore.
Ceballos ayaa tan iyo markii uu ku soo laabtay Real Madrid isku dayaya inuu saameyn ku yeesho Carlo Ancelotti, laakiin wuxuu albaabka u furay inuu ku laabto England mustaqbalka.
Isaga oo la hadlaya wargayska AS kuna saabsan rajada uu ka qabo in uu xilli kale ka ciyaaro Premier League, 24 jirkan ayaa ku jawaabay: “Haa,aniga meesha kama saarayo.
“Waa horyaal aan jeclahay, dadka runtii jecel kubada cagta ayaa ku dhiiro galin lahaa inay halkaas ka ciyaaraan, hadii aadan halkaa ka ciyaarin waad ka shalaayi doontaa.
Ceballos wuxuu ku guuleystay hal FA Cup intii uu ku sugnaa Waqooyiga London, waxaana uu urursaday labo gool iyo shan caawin 77 kulan oo uu u saftay Arsenal guud ahaan.