Home / Daraasad / Daraasad: Lo’da waxay leedahay farriimo coddeed ay kuwada xiriirto

Daraasad: Lo’da waxay leedahay farriimo coddeed ay kuwada xiriirto

Himilo – Khubaro reer Australia ah ayaa baaritaan ku sheegay in lo’da wada xiriirto iyada oo kaashaneysa codad ay ku cabbirto dareenkeeda gaarka ah sida inay wajaheyso ciriiri ama farxad.

Natiijadda daraasadda oo ay sameysay jaamacadda Sydney ayaa tilmaameysa in lo’da leedahay tilmaamo coddeed oo ay la gaarowday islamarkaana ka tarjumaya dareenadeeda.

Baarayaasha ayaa eegay 333 neef. Waxay oggaadeen in lo’da adeegsato codad kala jaad ah oo ay kuwada xiriirto kana dhigan sida hadalka oo kale.

Alexandra Green oo kormeer ka ahayd daraasadda ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horreysay oo ay baaritaan ka sameeyaan cododka lo’da si loo helo caddeymo ku-filan oo tilmaam cad ka bixin kara hab-hadalka lo’da.

Waxay intaa raacisay in lo’da bixiso farriimo coddeed xaaladaha kala duwan ee nolosheeda sida marka laga hor-istaago daaq ama laga gaar yeelo lo’da kale.

Ms Alexandra ayaa rajo ka qabta in natiijadda baaritaanka loo adeegsan karo dhinacyo kala duwan sida in looga faa’iideeyo dadka dhaqda lo’da oo looga baahan yahay inay faham buuxa ka heystaan hab-nololeedka xayawaankan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan