Home / Arrimaha Bulshada / Elon Musk oo soo saaray hadal ka nixiyay dadka adeegsada Twitter-ka.

Elon Musk oo soo saaray hadal ka nixiyay dadka adeegsada Twitter-ka.

Himilo – “Dhammaan dadka ciwaanada ku leh shirkadda X waxay bixin doonaan lacag si ay u sii adeegsadaan,” sidaas waxaa yiri Elon Musk.

Xilli uu dhinac fadhiyay milyuneer-ka Ra’iisul-wasaraha Israel Benjamin Netanyahu ayuu milkiilaha shirkadda Tesla iyo SpaceX yiri  “lacag bixintu waa wadada keliya ee lagu xisaabtamo’ ‘lacag yar ayuu bixin doonaa qof kasta oo ciwaan ku leh”.

Elon Musk waxa uu sheegay si xal loogu helo ciwaannada aan jirin ee shirkada ka sameysan in ciwaan weliba uu heli doono calaamada Aqoonsiga.

Tan iyo markii uu la wareegay sanadkii 2022 waxa uu shirkada ku soo kordhiyay naqshado cusub sida qofku inuu qori karo qoraalo dheer iyo inuu heli karo ‘subscribers’. Hadda shirkadu waxay si bille ah u qaadaan qarash dhan $8 bilyan weliba taas oo laga qaado accounts-ka calaamada aqoonsiga haysto.

Ninkan ayaa sheegay in uu qaaday talaab fursad siineyso dadka ciwaannada ku leh Twitter-ka. Inkasta oo go’aankan uu ka lumin doono shirkada macaamiil badan haddana waxa uu u arkaa Musk in uu dhaqaale ka sameyn karo.

 

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan