Home / Cayaaro / Erling Braut Haaland ‘wuxuu doonayaa £500k todobaadkii’

Erling Braut Haaland ‘wuxuu doonayaa £500k todobaadkii’

Himilo – Weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa la filayaa inuu usbuuciiba 500 kun ginni ka qaato kooxdiisa soo socota.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa si weyn loo filayaa inuu ka tago garoonka Westfalenstadion, laakiin kuma bixi doono qiimo jaban.

Manchester United, Manchester City, Chelsea, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid ayaa dhamaantood loo maleynayaa inay ku jiraan loolanka Haaland, kaasoo uu matalo wakiilka caanka ah ee Mino Raiola.

Sida laga soo xigtay ESPN, Haaland – oo lagu xamanayo inuu haysto 64 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa Dortmund – wuxuu filayaa mushahar toddobaadle ah oo ugu yaraan £ 500k usbuucii ah kuwa doonaya.

Haaland waxa uu leeyahay 23 gool iyo lix caawin 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxana uu qandaraas kula jiraa Dortmund ilaa xagaaga 2024.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan