Himilo – Weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aan ka gaari doono mustaqbalkiisa dhamaadka bishaan.
21-sano jirkaan ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxaha Real Madrid,, Manchester City iyo kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Barcelona.
Sida laga soo xigtay Sport, Haaland ayaa doonaya inuu uga tago Dortmund si xushmad leh maadaama uu xiriir wanaagsan la leeyahay kooxda iyo taageerayaasha.
Labadii xilli ciyaareed iyo bar ee uu joogay Dortmund ilaa hadda, Haaland waxa uu dhaliyay 80 gool 83 kulan oo uu u saftay kooxda. Qiimaha lagu burburin karo qandaraaskisia waa 63 milyan ginni.