Wiil falastiini ah oo shan jir ah ayaa nafaqo darro ka dhalatay gaajo ugu dhintay marinka go’doonsan tan iyo Maarso ee Gaza, sida laga soo xigtay ilo caafimaad.
Macluumaad laga heshay Isbitaalka Naasir ayaa sheegaya in wiilka gaajada darteed miisaankiisa oo ahaa 12 kg uu noqday saddex kilo Garaam ka hor dhimashadiisa.
Aabbihii ayaa sheegtay in miisaan dhicidda intaas le’eg ay ku keentay caano la’aan iyo cunno la’aan muddo ay wajahayeen.
Maxamed Sakariye oo muuqaalkiisa baraha bulshada la soo dhigay ayaa jirkiisa waxaa ka muuqatay dhibaatada. Waxaa la tilmaamay inuu sidoo kale naafo ahaa.
Isbitaallada kooban ee Gaza ayaa joogto u soo werinaya dadka u dhimanaya nafaqo darrada, iyadoo weli marinka ay saarantay xannibaadda israa’iil. Xafiiska Warbaahinta ee Gaza ayaa sheegay in dadka marinka ugu dhintay gaajada iyo waxa ka dhashay ay gaareen 222 qof, kuwaas 101 ay carruur yihiin