Home / Cayaaro / Granit Xhaka oo wali bartilmaameed u ah Roma

Granit Xhaka oo wali bartilmaameed u ah Roma

Himilo – Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa lagu soo waramayaa in uu wali hoggaanka u hayo liiska kooxda Roma ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Jose Mourinho ayaa isku dayay inuu kabtanka Switzerland ka soo kaxeeyo Gunners xagaagii hore, laakiin taa bedelkeeda wuxuu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kula sii joogayo Arsenal ilaa xagaaga 2024.

Mustaqbalka fog ee Xhaka ee kooxda ayaan wali caddayn, inkasta oo Arsenal la filayo in ay xoojiso khadka dhexe xagaagan iyada oo lala xiriirinayo Renato Sanches, Ruben Neves iyo Douglas Luiz.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Roma kama aysan tanaasulin xiisaheeda Xhaka, waxayna isku dayi doontaa inay mar kale la soo wareegto 29 jirkaan ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.

Xhaka ayaa hal gool caawiye ka ahaa 15 kulan oo uu ciyaaray isagoo xidhan maaliyada Arsenal xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu sidoo kale kaarka cas qaatay kulamadii Manchester City iyo Liverpool.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan