Himilo – Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa in uu ka arrinsanayo mustaqbalkiisa Tottenham Hotspur dhammaadka xilli cayaareedkan.
Kabtanka England ayaa dhaliyay 181 gool 278 kulan oo uu u saftay Spurs oo ay ku jiraan 17 kulan oo ah xilli cayaareedka 2019-2020
Qandaraaska 26 jirka uu ku joogo kooxda London ayaa ku eg dhammaadka sannadka 2023-24 laakiin marka la eego The Telegraph, weeraryahanka ayaa go’aansan kara in uu ka tago Tottenham Hotspur suuq furanka xagaaga.
Wararka ayaa tilmaamaya in Spurs ku adag tahay in Kane ku qanciso joogista kooxda oo aan u badneyn inay hanan karto koob xilli cayaareedkan.
Haddii Spurs ku guuldareysato u soo bixista Champions League xagaaga xiga, waxay kaalin weyn ka qaadan kartaa in laacibka reer England uu ka tago kooxda.
Kane ayaa la filayaa in uu ka soo laabto dhaawac bisha April ee soo socota.