Himilo – Haweenay u dhalatay Mareykanka ayaa la siiyay lacag magdhaw ah oo gaareysa 10.5 Milyan oo doolar kaddib markii dhaqaatiir ku sameynaysay qalliin ay caloosheeda uga soo tageen suuf.
Caroline Burst oo 62 jir ah ayaa la dhigay isbitaalka Louisville si loogu sameeyo qalliin laakiin nasiib xummo howlgalka caafimaad ayaa noqday mid ku reeba dhibaato kale.
Dhaqaatiirta qalliinka ayaa sameeyay khalad weyn markii ay caloosha haweenayda uga soo tageen suuf badan. Tani waxay horseeday in Caroline la kulanto culeysyo caafimaad oo halis ah.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Caroline ayaa ka cabanaysay xannuuno badan oo ka dhashay suufka muddo 5-sanno ah illaa markii danbe lagu sameeyay qalliin kale.
Dhaqaatiirta ayaa ku guuleysatay inay ka soo saaraan haraadiga suufka caloosha Caroline oo ay qasab noqotay in laga jaro qeyb kamid ah lugteeda biddix.
Magdhawga la siiyay haweenayda ayaa ku yimid dacwad ay u gudbisay maxkamad oo go’aamisay in haweenayda la kulantay fududeysi caafimaad oo ay sameeyeen dhaqaatiirta la tacaaleysay xaaladeeda.
Inkasta oo Caroline la siiyay magdhaw haddana ma cadda sida laga yeelay dhaqaatiirta geysatay falka.