Home / Macluumaad / Hindiya: Dhimashada 20 arday oo lala xiriirinayo natiijadda imtixaanaadka

Hindiya: Dhimashada 20 arday oo lala xiriirinayo natiijadda imtixaanaadka

Himilo FM –Dalka Hindiya, ku dhawaad 20 arday ayaa ka taqalustay naftooda deegaano kala duwan markii lagu dhawaaqay natiijadda imtixaanaadka dugsiyada.

Hal milyan oo carruur Hindi ah ayaa ka qeyb galay imtixaanaadka Febraayo illaa Maarso xilli ay dhaceen ku dhawaad 350 kun taasi oo waalidiinta iyo axsaabta siyaasadda ku qasabtay inay sameeyaan cabasho la xiriirta kororka ardayda ismiidaaminaysa.

Jawaabo kala duwan oo muran dhaliyay ayaa laga bixiyay natiijadda imtixaanaadka iyadoo dad badan shaaciyeen inay jiraan khaladaad horseeday inay isdilaan 20 arday.

Waalidiinta ayaa mas’uuliyadda dusha ka saaraya shirkadda Globarena Technologies Private Ltd oo hormarisay barnaamij digital ah oo ku qotoma imtixaanaadka.

Ra’iisul wasaaraha gobalka Telangana ayaa ugu baaqay xukuumadda in dib loogu laabto tirakoobyada imtixaanaadka iyadoo dib loo saxayo warqadaha ardayda dhacday.

Mas’uulka dalka Hindiya ayaa walwal ka muujiyay dhacdooyinka ismiidaaminta ardayda isaga oo u sheegay ardayda in natiijadda imtixaanaadka aysan aheyn gabagabada noloshooda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan