Home / Habka-Nolosha / ICC oo dacwad ku soo oogtay madaxweynihii hore ee Philippines Rodrigo Duterte

ICC oo dacwad ku soo oogtay madaxweynihii hore ee Philippines Rodrigo Duterte

Himilo – Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa madaxweynihii hore ee Philippines Rodrigo ku soo oogtay saddex dacwadood oo ah dembiyo ka dhanka ah aadanaha, iyadoo lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay dilal badan intii uu hoggaanka hayay ee uu ku jiray dagaalkii uu ku qaaday dadka daroogada ku shaqaysta.

Ninkan oo ah  80 jir ah  hadda ku xiran xabsiga ICC ee magaalada Hague, waxaa loo haystaa ugu yaraan dhimashada 76 qof oo la sheegay inuu ku lug lahaa. Dilalkaas 19 ka mid ah waxay intii u dhaxaysay 2013–2016, xilligaas oo uu duq magaalo ahaa.

Dacwadda koowaad waxaa lagu eedeeyay 14 qof oo nolosha la dhaafiyay intii u dhaxaysay 2016–2017 intii uu madaxweynaha ahaa. Halka kiiska saddexaad lagu soo oogay geerida 43 qof oo la dilay 2016–2018, intii uu aday dagaalka ka dhanka ah daroogada.

Qareennada maxkamadda ayaa sheegay in dilalka ay ahaayeen kuwo aad u ballaaran oo joogto ah, Waxaa xusid mudan in horay loo soo saaray warrant qabasho bishii Maarso 7, xilligaas oo lagu eedeeyay madaxweynaha dil.

Ninkan ayaa markii ugu horreysay lagu qabtay 11-kii Maarso magaalada Manila, iyadoo isla habeenkaas loo duuliyay dalka Netherlands, halkaas oo uu weli ku xiran yahay xabsiga ICC.

Qareenkiisa ayaa sheegay in madaxweynaha uusan awoodin inuu wajahayo maxkamad “sabab la xiriirta xanuun dhinacyo badan uga dhacay garashada.” Qareenka ayaa codsaday in dacwadda dib loogu dhigo muddo aan xadidneyn.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan