Home / Dhaqaale / Indonesia: Wiil sabool ahaa oo hal habeen ku taajiray

Indonesia: Wiil sabool ahaa oo hal habeen ku taajiray

Himilo – Arday Indonesia u dhashay ayaa noqday maalqabeen habeen-dhalad ah kadib markii uu lacag fiican ka helay iibinta kumaankun sawiradiisa ah – isaga oo ka helay adduun hal milyan oo dollar ah.

Sultan Gustaf Al Ghozali, 22 jir ah kaas oo bartay cilmiga kumbiyuutarka ee Jaamacadda Semarang wuxuu cawo-dhalad ku noqday iibinta sawirro uu iska qaadi jiray maalin walba muddo shan sano ah – sawir walba si dhow marka loo eego wuu ka duwan yahay kan kale, wuxuuna ku muujin jiray hadba xaalada uu ku sugan yahay.

Fikrada uu ka lahaa keydinta sawirada markii hore waxay ahayd inuu diiwaangeliyo maalin walba inta uu Jaamacadda joogo si maalintiisa qalinjebinta uu u isticmaalo.

Laakiin markii uu wax ka maqlay Barnaamijka NFT-da oo ah mid lagu keydsado xusuusaha iyo dhacdooyinka, wuxuu go’aansaday inuu isku dayo iibinta sawiradiisa – isaga oo filaya inay xiiso badan tahay dadka kale xusuus-reebkooda in laga dhex helo sawirkiisa.

Bishii December sannadkii ayuu si rasmi ah beec ahaan u bandhigay waxaana uusoo jiitay dad badan oo milkiyadda sawiradiisa kaga doonaya inay lacag uga bedeshaan.

Helidda lacagta uga soo dhacday mashruuciisa iibinta sawiradii keydka ugu jiray, Sultan Gustaf wuxuu hada qorsheynayaa inuu furto istuudiyowgiisa gaarka ah oo lagu hagaajiyo sawirada iyo muuqaallada.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan