Himilo – Weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus ayaa lagu soo waramayaa in loo aqoonsaday bartilmaameedka suurtagalka ah ee kooxda Inter Milan.
Xiddigan ayaa dhaliyay 88 gool 220 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, waayihii Jesus ee Etihad Stadium waxa uu ahaa mid guulo badan gaaray.
Si kastaba ha ahaatee, 8 ka mid ah 23-kii kulan ee uu xiddiga reer Brazil ciyaaray Premier League iyo Champions League xilli ciyaareedkan waxa uu ka yimid kursiga keydka.
24-sano jirkaan waxaa qandaraaskiisa uga harsan yahay wax ka yar 17 bilood, Calciomercato ayaa sheegtay in Inter ay isha ku heyso xaaladiisa.
Geesta kale, City ayay u badan tahay inay ku riixi doonto saxiisa heshiis cusub, hogaamiyaasha Premier League ayaa tixgelin doona iibinta haddii xaalada heshiiskiisa aysan isbedelin.