Home / Macluumaad / Israa’iil: Boqolaal Kun oo Dibadbaxayaal ah oo ka Cadhaysan Qorshaha Soo Qabsashada Gaza

Israa’iil: Boqolaal Kun oo Dibadbaxayaal ah oo ka Cadhaysan Qorshaha Soo Qabsashada Gaza

Himilo – Boqolaal kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa habeenkii Sabtida dibadbaxyo waaweyn ka dhigay bartamaha Tel Aviv, iyagoo xiray wadooyinka kana dalbanaya dowladda heshiis is-weydaarsi maxaabiis lala galo kooxaha Falastiiniyiinta, islamarkaana ka soo horjeeda go’aanka cusub ee lagu doonayo in dib loo qabsado Marinka Gaza, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah.

Telefishinka Channel 12 ee Israel ayaa ku waramay in ku dhowaad 60,000 oo qof ay isugu soo baxeen Hostage Square ee Tel Aviv, taasoo hakisay isu socodka bartamaha magaalada, kuna muujisay diidmo ku wajahan xukuumadda Raysalwasaare Benjamin Netanyahu.

Dibadbaxyadani ayaa xoogeystay tan iyo markii Netanyahu oggolaaday qorshe lagu doonayo in si buuxda dib loogu qabsado Gaza, arrin ay qoysaska maxaabiista iyo saraakiil ciidan sheegeen inay khatar gelinayso nolosha la haystayaasha isla markaana ay ku daali doonto awoodda ciidanka.

Qoysaska maxaabiista ayaa sheegay: “Wiilashayagu weli waxay ku jiraan Gaza sababtoo ah waxaa jiray cid go’aansatay in la dayaco,” iyagoo ku eedeeyay Netanyahu inuu iska indhatiray talada Taliyaha Ciidanka Eyal Zamir, kaas oo qorshahan ku tilmaamay “dabinn istaraatiiji ah” oo dhaawici doona ciidamada sanado badan, khatarna ku ah la haystayaasha.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan