Home / Cayaaro / Juventus oo aan wali ka rajo dhigin Paul Pogba

Juventus oo aan wali ka rajo dhigin Paul Pogba

Himilo- Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inaysan ka rajo dhigin saxiixa khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba suuq furanka bishan Janaayo.

Billowgii sannadkan, maamulaha kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaciyay in Pogba uu seegi doono kulamada bishan sabab la xiriirta dhaawac ka soo gaaray anqowga.

Warkan ayaa soo baxaya xilli ciyaaryahanka qaranka Faransiiska uu ka soo muuqday labo kulan oo beddal lagu soo geliyay kaddib muddo labo billood ah oo uu soo kabanayay.

Inkastoo kooxda Man United ay shaacisay in uusan Pogba aheyn iib haddana Calciomercato ayaa tilmaameysa  in Juventus ay wali qiimeynayso xaaladda.

 Warka ayaa intaa ku daraya in kooxda reer Talyaani wali ku kalsoon tahay inay dib ula midoobaan xiddigoodii hore kahor dhammaadka suuq furanka bishan.

Heshiiska Pogba ee kooxda ayaa waxaa ka harsan labo sanno iyo bar iyadoo United diyaar u tahay inay ciyaaryahanka ku dalbato inka badan £100m.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan