Himilo – Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ka fariisto ciyaaryahan ahaan garoonka Bernabeu.
34-sano jirkaan ayaa ku guuleystay abaal-marintiisii ugu horreysay ee Ballon d’Or 2022 markii uu Los Blancos ku caawiyay Laliga iyo Champions League xilli ciyaareedkii hore.
Benzema ayaa loo diiwaan galiyay 44 gool iyo 15 caawin 46 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore.
Ka dib markii ay Real xagaagii ku guuldareysatay Erling Braut Haaland iyo Kylian Mbappe, Benzema ayaa bilaabay xilli ciyaareed kale isagoo ah dooqa koowaad ee weerarka Real Madrid, 13 sano ka dib markii uu kaga soo biiray Lyon.
Laacibka heerka caalami ee dalka France ayaa la filayaa inuu noqdo wakiil xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin si weyn ayaa loo filayaa inuu heshiis cusub u saxiixo garoonka Bernabeu.
“Aniga ahaan waxa ay ii ahayd riyo in aan la saxiixdo Real Madrid, waxa aan ku riyooday saddex riyo, in aan hooyo u iibiyo guri, in aan u ciyaaro Real Madrid iyo in aan haysto Ballon d’Or,” sidaas waxaa yiri Benzema.