Himilo – Laba dhalinyaro oo Belgian ah, Lornoy David iyo Seppe Lodewijckx, oo labaduba 19 jir ah, ayaa lagu qabtay 5,000 oo quraanjo ah gudaha gobolka Nakuru ee dalka Kenya, waxaana lagu xukumay ganaax dhan $7,700 ama xabsi hal sano ah, sida ay go’aamisay maxkamad ku taal garoonka weyn ee diyaaradaha ee Nairobi.
Maxkamadda ayaa sheegtay in labada eedeysane ay quraanjo tiro badan ururiyeen, gaar ahaan messor cephalotes – oo ah nooc caan ka ah Geeska Afrika, isla markaana qiimo sare ku leh suuqyada Yurub iyo Aasiya. Inkasta oo ay sheegeen in ay xiiso ahaan u ururiyeen, garsoore Njeri Thuku ayaa xukuntay in falkaasi uu ka weyn yahay xiiso-shaqsiyeed, maadaama uu ku lug leeyahay dhoofin sharci darro ah oo wax u dhimaya khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Xafiiska Daryeelka Duurjoogta Kenya (KWS) ayaa ku eedeeyay in dhalinyaradaasi ay qeyb ka yihiin shabakad ganacsiyeed oo cusub oo lagu dhoofiyo xayawaanka yaryar ee aan inta badan la dareemin.
Qareenka eedeysanayaasha, Halima Nyakinyua, ayaa sheegtay in xukunka uu yahay “cadaalad”, isla markaana aysan racfaan ka qaadan doonin. “Sharciyada waxay dhigayaan ugu yaraan ganaaxa la bixinayo, sidaas darteed racfaan waxba kama beddeli karo,” ayey tiri.
Kiis kale oo la xiriira, maxkamadda ayaa ganaax la mid ah ($7,700) ku ridday nin u dhashay Vietnam, Duh Hung Nguyen, iyo nin Kenyan ah oo la socda, Dennis Ng’ang’a, kadib markii lagu qabtay 400 oo quraanjo ah. Maxkamaddu waxay ku tilmaantay falkaasi inuu ahaa “qorshe si wanaagsan loo habeeyay.”
Cilmi-baadhe Kenyan ah oo ah khabiir ku takhasusay cayayaanka, Dr. Shadrack Muya, ayaa sheegay in quraanjadu ay door weyn ku leedahay nadiifinta ciidda, kor u qaadidda bacriminta, iyo faafinta abuurka. Waxa uu uga digay in quraanjadaa laga kaxeeyo deegaanadooda dabiiciga ah, taasoo sababi karta qalalaase deegaan.
Kenya ayaa wajahaysa halis cusub oo ah dhoofinta sharci darrada ah ee noocyada xayawaanka yaryar ee aan horey looga digtooneyn, sida xamaalatada, taas oo khatar ku ah nidaamka deegaanka iyo dhaqaalaha gudaha.