Home / Cayaaro / Kooxdee ayuu ku biiri doonaa Ousmane Dembele ?

Kooxdee ayuu ku biiri doonaa Ousmane Dembele ?

Himilo – Weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu ‘heshiis afka ah’ la gaaray Paris Saint-Germain si uu beeca xorta ah ugu biiro kooxda reer France xagaagan.

24-sano jirkaan ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo intii lagu jiray ololihii 2021-22, waxaana laga saaray kooxda muddo horaantii sanadkan iyadoo la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa.

Xiddiga kooxda reer Catalan ayaa u dhaliyay labo gool islamarkaana loo diiwaan geliyay 7 caawin 19 kulan oo uu u saftay naadiga  xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay FootMercato, xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa horey ‘heshiis afka ah’ ula gaaray PSG si uu beeca xorta ah ugu biiro kooxda ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan