Home / Habka-Nolosha / La kulan – Haweeney lixdan sano aan booqan akoonkeeda bankiga

La kulan – Haweeney lixdan sano aan booqan akoonkeeda bankiga

Himilo – Haweeney u dhalatay Scotland oo aan akoonkeeda Bankiga booqan muddo lixdan sano ah, ayaa ogaatay inay  ku jirto lacag aysan ku ogeyn. Waxay sheegtay in baaqigeedu ahaa $3.35 balse uu imika yahay $335.

Carol Allison, oo 74 jir ah waxay ku kortay Philippine, iyadoo lix jir ah ayay booqasho ugu tagtay  Ayeydeed oo oo degganayed Scotland taas akoon uga futay Trustee Savings Bank,  oo hadda loo yaqaano TSB. Balse Ayeydeed ayaa dhimatay 1969 iyadoo aan siin lambar sireedkeeda.

Allison oo hadda ku nool caasimadda Scotland, waxay sheegay inay dhawaan dib u heshay buug ay ku qoran yihiin macluumaadka akoonkii loo sameeyay xilligeedii yaraanta iyadoo hawlo nadaafadeed ka wada guriga.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay akoonkeedii gashay kaas oo weli shaqeynaya, waxay intaa raacisay inay 60 sano ka hor bankiga loogu maal galiyay $3.35 taas oo u dhashay $335.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan