Himilo – Kama ahan isku day ee waa ka itaal. Afkiisaa u xoog ah. Waayo addimadiisu uguma yaaliin inuu ku socdo ama wax ku qabsado. Sababtuna waa inuu ku dhashay xaalad naafanimo oo ka yeeshay inuu kaliya ku tiirsanaado afkiisa.
Waana un isla awoodda afkiisa midda uu ku doonayo inuu dunida ku beddelo. La kulan Jack oo 12 jir ah kaas oo iskuulka uu dhigto ka ah xiddig dhanka wax-barashada ah.
Hooyadiis ayuu ugu yeeraa macalinka nolosha iyo aabihii iftiinka. Waayo iyada unbaa bartay sida afka wax loogu qoro una buuxisay booskii aabihiis oo meel uu jaan iyo cirib dhigay aan la ogeyn taniyo markii uu dhashay. Sababtuna waa inuu isaga fogaaday qoyskiisa si aanu ugu dhib mudan korriimada ubaxan dhaawacan.
Iyadaase dhexda u xiratay noloshiisa una huraysa nafteeda inta aan dunida laga oofsan.
Ka Jack ahaan, oo dhawaan un fursad u helay inuu wax barto, durba wuxuu sawiranaya halka hiigsigiisu yahay. Wuxuuna mustaqbalka ku taamayaa inuu noqdo boolis nabadgalyada degaanka ka shaqeeya.
Macalimaddiisu waxay sheegtay in Jack uu tusaale nool u ahay kuwa nolosha ka aamina inaysan wax qabsan Karin – inta ka sokeydana uu leeyahay hal-adeyg uu ku waajaho duruufaha sida maalinlaha ah uga hor imaanaya.
Marwalba oo lasoo dhejiyo natiijada imtixaanka, Jack wuxuu soo galaa shanta ugu sarreysa fasalka. Laakiin xilliyada xiisadaha waa qeybta ugu adag nolosha iskuulka. Sababtuna waa inuusan la qabsan inuu qoraallada si boobsiis ah afkiisa ugu dhigo taas oo macalimadda ku qasbaysa inay in badan sugto marka ay yeerinayso maadooyinka qaar. Maadada uu maadooyinka ugu jecel yahayna ma ahan cilmiga bulshada iyo seyniska. Waa xisaabta.
Sidaas darteed waqti badan, hayeeshe xiiso iyo xamaasad leh, ayaa uga baxa iskuulka maalin walba. Hooyadiis waxay sheegtay inay ku masruufto hadba wixii xoogsi ah oo ay usoo hesho. Deeqda Allana aysan ku qadin oo intii loo qadaray ay dhib yari ku hesho.
Dadka xaafadda waxay hadda Jack u arkaan halgamaa nool oo timaadada ka naawilaya yididiilooyin qurxoon iyo aayatiin wacan. Waxaa loo qiray inuu yahay fariid af gaaban iyo akhyaar fahmo badan.
Af ku xooglayaal badan waxay ka nool yihiin xagga oraahda, balse Jack waa kan kaliya ee xagga itaalka iyo awoodda ka dhigtay afkiisa.
Sheekadiisu waxay hadda qaabaneysaa nolosha dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo badanaa loo fisho kuwo aan saameyn yeelan Karin ama aan hiigsi muuqda ka lahayn geeddiga adag ee nolosha.