Himilo – Laga yaabee inuu nin weyn yahay. Laakiin kani ma ahan maamule iskuul iyo macalin toona. Waa arday kamid ah ardayda dugsiga hoose iyo dhexe ee degmada. Iskuulka uu dhigtana waa isla midkii ay carruurtiisu dhigan jireen.
La kulan – Janvier oo iskuulka uu dhigto looga yaqaan Joon. Waa 38 jir heysta saddex carruur ah oo ay isku dhaleen afadiisa ay kala tageen. Waa fasalka saddexaad ee dugsiga halka uu maanta ka joogo heerka wax-barashada.
Wuxuu ahaa mid ku riyooda shaqooyinka nasiinada. Xaqiiqduse waxay ahayd inuu ahaa xoogsade marna xamaali ka noqda gaadiidleyda xamuulka; fuundi guryaha dhisa; marmarka qaarna ka shaqeysta guryaha reeraha ladan.
Intaas oo dhan wuxuu u sameyn jiray kaliya inuu magaalada weyn ka helo meel uu kaga noolaado iyo hunguri uu cuno. Mana ku qaadan jirin wax mushahar ah.
Isaga oo yar ayuuna aasay rajadii uu mustabqalka ka lahaa wax-barashada. Waxaana taas beddelkeeda uu ku qasbanaaday inuu dhacsiga nolosha maalinlaha ah u go’o ilaa markii dambe uu la kulmay gabar markii dambe u noqon doonta hooyada ilmihiisa.
In kasta oo faqri ba’an ay isaga jireen, haddana waxay ahaayeen kuwo ku qanacsan nolosha ay heystaan.
Laakiin xiriirkaasu siima xoogeysan. Waxaana afadiisu ay ka doorbiday naawilka raga kuwooda ladan halkii ay kula sii noolaan lahayd nolosha adag oo uu ku jiro. Buuqii berigaas kasoo bilowday wuxuu gaaray halkii lagu kala dhamaaday.
Waxaase taas uga sii laxaw badan inay kala dhuumatay ilmihiisa oo aanu ilaa iyo hadda ogeyn meel ay la aaday.
Xattaa uma reebin wax uu ku seexdo. Waana sababta uu karbadaha iyo barkinta duugga ah ugu jiifsado.
Laakiin wuxuu dareemay inaysan jirin sabab uu tagtada uga sii fikiro. Haddii ay dhacaysana ay muhiim tahay inuu soo nooleeyo rejadii uu ka qabay inuu wax-barto oo uu noqdo halyey aqoonyahan ah oo ku ciilbaxa qalinka iyo buugga.
Mana ku helin soo dhaweyn iyo bogaadin go’aankan uu naftiisa u dooray. Waxaase tallaabtiisa ku dhiirrigeliyay maamulka iyo barayaasha iskuulka.
Sidaas darteed subax walba wuxuu usoo lebistaa sida ardayda kale. Wuxuuna si mid ah u raacaa amarada iyo tilmaamaha macalimiinta. In kasta oo qaar barayaashiisa kamid ah uu ka da’ weyn yahay, haddana xilliga xiisadaha waa uun arday kale oo lamid ah ardayda.
Walow safarkiisu bilow yahay, haddana ifafaalo hordhac ah ayay macalimiintiisu ka muujinayaan mustaqbalkiisa. Isaguna waa lamid.
Aargudashada ugu fiican ee qof looga adkaado waa gaarista heer kiisa ka sarreeya. Sida kaliya ee hadafkaas uu ku gaari karana waa wax-barashada.
Ka Joon ahaanna, shaki kama qabo middaas. Waxaana ka go’an in meelay tabari geysaba uu heer weyn ka gaaro tacliinta.