Himilo – Barcelona weeraryahankeeda Lionel Messi ayaa shaaciyay in hammigiisa yahay ka ciyaaritaanka MLS kahor inta uusan soo idleyn waayihiisa ciyaareed.
Messi ayaa gelaya kowda bisha Janaayo lixda bilood ee ugu danbeysay heshiiskiisa naadiga, isaga oo heshiis la funaranaya kooxo kale bartamaha sannadka soo aadan ee 2021.
Kooxaha Manchester City and Paris Saint-Germain ayaa si weyn loola xiriirinayay halyeyga qaranka Argentine, balse 33- sanno jirkaan ayaa la fahamsan yahay in uu diyaar u yahay ka ciyaaritaanka Mareykanka
Isaga oo la hadlayay La Sexta, laacib Messi ayaa yiri: “Waxay had iyo goor riyadeyda aheyd ka ciyaaritaanka horyaal kale”.
Messi waxa uu hadda wajahayaa hubanti la’aan ku aadan mustaqbalkiisa naadiga Barcelona xilli laacibkan muddooyinkii danbe lala xiriirinayay ka tegista kooxda.
Radio Himilo
