Home / Cayaaro / Ma sii joogi doonaa Luka Modric kooxdiisa Real Madrid?

Ma sii joogi doonaa Luka Modric kooxdiisa Real Madrid?

Himilo – Laacibka khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaan weli aqbalin inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo Los Blancos, sida lagu sheegay warbixin.

Ciyaaryahankii hore ee Tottenham Hotspur ayaa weli qeyb muhiim ah ka ah qorshaha Carlo Ancelotti isagoo 36 jir ah, isagoo dhaliyay seddex gool.

Heshiiska Modric ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareed kan, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia ayaa si weyn loo sugayaa inuu sii joogo Bernabeu.

Si kastaba ha ahaatee, Marca ayaa ku warameysa in ‘wax horumar ah’ aan laga gaarin isku dayada lagu doonayo in Modric lagu xiro heshiis cusub, inkastoo labada dhinac ay heshiis afka ah gaareen horaantii sanadkan.

Modric ayaa wadar ahaan dhaliyay 31 gool iyo 68 caawin 423 kulan oo uu u saftay Real Madrid tan iyo 2012, isagoo Los Blancos kula guuleystay labo horyaal oo La Liga ah iyo afar Champions League.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan