Home / Macluumaad / Macluumaadka aad uga baahan tahay caabuqa Coronavirus

Macluumaadka aad uga baahan tahay caabuqa Coronavirus

Himilo – Cudurkan wuxuu yimid xili dhaqaalaha dunida iyo siyaasadaha caalamka is-jiidjiid weyn uu ka jiray laakiin haddana haddii si tartiib tartiib ah loo indha-indheeyo xaaladaha ku hareereysan xannuunkan waxaa soo baxaya in dowlado iyo warbaahinno waaweyn ay uga faaii’deysanaayaan xaaladda cudurkan dano siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.

Xaqiiqdii cudurkan malihi waa wax si dhameystiran loo ogyahay hase yeeshee iyada oo la raadinayo xaqiiqadiisa iyo tallaaladiisa haddana waxaa si nidaamsan loogu gees wadaa macluumaad iyo tirooyin ku aadan galaafsashadiisa nafeed oo aan sal iyo raad toonna laheyn.

Arrimaha ku aadan cudurkan ee abuuray humaagga ku hareereysan waxaa kamid ah in cudurkan asalkiisa loo tiirinayo xayawaan oo bini’aadamka xiriir la sameeyay, isla aragtidaasi wali si cad oo cilmi ah ugama aysan jawaabin su’aalaha qaar sida qaabka bini’aadamka uu u noqday mid jiin ahaan ugu diyaarsan xambaarista cudurkan, markii aragtidaasi ay abuurtay wacyi yar oo su’aalo weydiin ah ayaa haddana waxaa soo shaac baxay in cudurkan uu yahay mid bini’aadamka quseeyo oo dowlada Shiinaha kaso farabaxsaday gaar ahaan goob cudurada lagu baaro oo ku taalka Wuhan .

Dhinaca kale, warbaahinta reer Galbeedka iyo tan Carabta gaar ahaan warbaahinta Khaliijka marka ay ka hadalayaan arrimaha cudurkan waxaa soo baxeyso in aysan shaqadooda ku ekeen tabinta xaalada cudurka ee xittaa waxay billaabeen inay abuuraan dhacdooyin aan dhicin oo dowlado dhan lagu wiiqi karo isku socodkooda , arrinta daaha ka qaaday qaab xun u tabinta warbaahinta qaar arrimaha cudurkan waxay ahayd iska indha-tirka warbaahinta tabinta bukaanada ku dhintay cudurkan awgiisa sida xaaladooda ahayd tusaale , bukaannada Iiraan iyo Talyaaniga ku dhintay cudurkan awgiisa waxay wada ahaayeen bukaanno da’dooda ay u dhexeyso 70-80 sanno oo badankood ay u raacsanaayeen cudurro kale oo jirkooda mar horaba sii daciifiyay sida Kansarka iyo cudurrada wadnaha.

Arrinta kale oo warbaahinta ay si xishood leh uga hadashay waxay aheyd tirada bukaannada ka soo kabsaday xaaladda cudurkan iyo da’dooda. Bukaannada Talyaaniga ee la xaqiijiyay in cudurka ay ka fiyoobaadeen waxay u badnaayeen caruur da’dooda ay u dhexeyso 6-14 sanno taas oo taageerayso fekerka ah in dhimashada cudurkan aysan badneyn inay ka timaado cudurka laf ahaantiisa balse ay ka imaan karto xaaladda u wehlisa bukaanka ee uu ku jiray markii cudurkan uu ku dhacayay.

Sidaa darteed, iska indha-tirka warbaahinta qaar inay baahiyaan macluumaadka dadka u muujinayo in cudurkan khatartaasi lagu tuhmayo uusan aheyn waxay ka dhigeysaa warbaahintaasi mid ka qeyb qaadato inay walwalka ku kordhiso dadweynaha.

Ugu danbeyn cudurkan Coronavirus waa cudur Khatartiisa ugu weyn ay ku jirto awoodiisa xooggan ee faafida ,taasi oo looga hortagi karo tallaabooyinka gooni u karantiilidda bukaannada qabo , waxaa sidoo kale qasab ah in laga saaro cudurrada in looga faa’iideysto qaab dhaqaale , siyaasad ama diin .

W/Q:  Dr Abdi Naasir Shide ( dhaqtar iyo fallanqeeye arrimaha siyaasadda dalka )

Aragtida maqaalkan waxay gaar u tahay qoraha, kama tarjumeyso siyaasadda Radio Himilo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan