Himilo – Xiriirka kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaaciyay dalka marti gelinaya Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee sanadka 2026ka iyo Magaalooyinka uu ka qabsoomayo.
Xiriirka FIFA ayaa isku raacay in Magaalooyinka Newyork iyo Newjersey ee dalka Mareykanka noqdaan labada magaalo ee marti gelinaya Koobka Kubadda Cagta Adduunka sanadka 2026ka.
Dhinaca bariga waddanka Mareykanka magaalooyinka kala ah; New York/New Jersey,Toronto, Boston, Philadelphia, iyo Miami ayey ka dhici doonaan ciyaaraha Koobka Kubadda Cagta Adduunka halka dhinac galbeed ay ciyaaraha dhacdada ciyaaraha adduunka ee 2026 marti gelin doonaan Magaalooyinka kala ah; Vancouver, Seattle, San Francisco/Bay Area, Los Angeles, iyo Guadalajara.
Gobolka bartamaha waxaa magaalooyinka martigelinaya ka mid ah; Kansas City, Dallas, Atlanta, Houston, Monterrey, iyo Mexico City.
Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee sanadkan 2022 waxaa uu ka dhacaya dalka Qadar Bisha November ee dhamaadka sanadkan, halka afar sano kaddib uu ka dhici doono waddanka Mareykanka oo horay loogu doortay marti gelinta dhacdada ugu xiisaha badan kubadda Cagta Adduunka.
Sanadkii la soo dhaafay ee 2018,waxaa marti geliyay waddanka Ruushka oo hadda laga mamnuucay ciyaaraha caalamka colaadda uu kawado waddanka Ukraine darteed,waxaana sanadkaas ku guuleystay France oo hadda