Home / Arrimaha Bulshada / Maqaayad macaamiisheeda u heynaysa taleefanada gacanta si ay u helaan qiimo dhimis

Maqaayad macaamiisheeda u heynaysa taleefanada gacanta si ay u helaan qiimo dhimis

Himilo- Maqaayad ay leeyihiin muwaadiniin Talyaani ah oo ku taalla Britain ayaa macaamiisheeda u sameynaysa qiimo dhimis, waase haddii ay ogolaadaan in taleefanadooda gacanta ku wareejiyaan adeegayaasha maqaaxida inta ay cunada qaadanayaan.

Casa Italia oo bishii Juun ee sannadkan noqotay maqaayadda ugu wanaagsan ee  ku taalla Liverpool- ayaa dhaqan galisay hannaankan oo hal-ku-dhig looga dhigay “Aanu wadahadalno” si loogu dhiiri galiyo dadka usoo casha tagga inay waqtigooda la qaataan dadka ay jecel yihiin, iyada oo aysan jirin wax carqaladeynaya.

Hal-abuurkan oo yimid bishii hore ayaa faraya macaamiisha inay taleefanada gacanta u dhiibaan kabalyeeriyada Casa Italia markii ay fariistaan miiska cuntada si ay u helaan qiima dhimis lacageed. Qiima dhimista ayaa noqoneysa shan boqolkiiba.

Dad qaarkood sharci yaqaano ah ayaa ammaanay hannaanka ka tanaasulka mobile-kaaga iyaga oo ku tilmaamay fikrad weyn.

Haddaba sidee ayuu u shaqeeyaa hannaankan?

Marka koowaad ee aad timaado ka codso adeegaha maqaayadda inuu kuu keeno sanduuqa lagu rido mabile-lada.

Marka xigta waa in qof waliba oo fadhiya kurisga cuntada taleefankiisa ku hubsadaa sanduuqa loogu talagalay.

Intaasi kadib sanduuqa waa la xiri doonaa isaga oo xirnaan doona tan iyo inta ay ka dhammaaneyso cunta cunista. Kaddib waa doonaan kartaa mobilke-kaaga marka aad bixiso lacag ee aad hesho qiima dhimis shan boqolkiiba ah.

Arran Campolucci-Bordi, milkiilaha maqaayadan oo ka hadlay sida uu ugu dhashay fikirkan ayaa sheegay iney arkeen qoysas iyo saaxiibbo u soo casho doonta Casa Italia oo halkii ay sheekeysan lahaayeen mid waliba ku fooraro taleefankiisa gacanta, taasina ay keentay hindisaha “Aanu wadahadalno.”

Waxa uu ammaanay dadka macaamiisha ah kuwaas oo uu sheegay in dareen wanaagsan ay kasoo celiyeen,qaarkoodna ay tijaabiyeen hindisaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan