Himilo – Isku aadka ayaa ka dhici doona xarunta UEFA ee magaalada Nyon ee dalka Switzerland maanta oo Isniin ah 13ka December. Xafladdu waxay bilaabanaysaa 2:00PM (labada duhurnimo) Geeska Africa.
Waa kuwee kooxaha isku aadka wareega 16-ka ee Champions League?
Isku aadka ayaa waxaa ka soo muuqday 16-ka kooxood ee ka soo baxay heerka guruubyada UEFA Champions League; Kuwa ku guulaystay booska 1aad iyo kuwa kusoo baxay kaalinta 2aad.
Naadiyada kusoo baxay kaalinta 1aad :
Ajax (NED)
Bayern (GER)
Juventus (ITA)
Liverpool (ENG)
LOSC Lille (FRA)
Manchester City (ENG)
Manchester United (ENG)
Real Madrid (ESP)
Kooxaha kaalinta labaad galay
Atlético (ESP)
Benfica (POR)
Chelsea (ENG)
Inter (ITA)
Paris Saint-Germain (FRA)
Salzburg (AUT)
Sporting CP (POR)
Villarreal (ESP)
Kooxaha isku wadan ka soo jeeda ma isku wajihi karaan wareega 16ka Champions League?
Ma jirto koox ka hor imaan karta koox kale oo isku qaran ah. Sidoo kale Naadiyadu ma wajihi karaan kooxaha ay kulmeen intii lagu jiray heerka group-yada.
16-ka Champions League ma ka badan yahay labada lugood?
Isku aadka ayaa ka dhaca laba lugood, iyadoo kooxaha kaalin koobadka ah ay gurigooda ku dheeli doonaan lugta labaad.
Goorma ayaa la ciyaarayaa wareega 16-ka Champions League?
Lugta hore waxa la qorsheeyay 15/16/22/23 February, halka lugta labaad la ciyaari doono 8/9/15/16 March.
Isku aadka wareega afar dhamaad, semi-finalka iyo finalka ayaa la samayn doonaa maalinta jimcaha ee 18-ka March.
Waa maxay isbeddellada jira xilli ciyaareedkan?
Waxa meesha laga saaray waxa loogu yeero sharciga goolasha martida, sidaa darteed heerka 180-ka daqiiqo ka dib waxa uu geli doonaa waqtiga dheeriga ah iyadoo aan loo eegin tirada goolasha ay koox walba ku dhalisay gurigeeda iyo martida. Haddii kooxaha weli la kala saari kari waayo 30ka daqiiqo ee dheeriga ah ka dib, waxay ku kala baxayaan rigooreyaal.
W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud
Radio Himilo
