Himilo – Finland iyo Sweden in muddo ah ba waxey ahaayeen dowlado siyaasadoodu dhanna raacsaneyn, balse hadda waxa ay doonayaan inay dhan u janjeersadaan oo ay ku biiraan xulafada milatari ee ugu ballaaran adduunka ee NATO, kaddib codsigoodii rasmiga ahaa ee ay gudbiyeen arbcadii.
Waa go’aan muujinaya in dowladaha la isku yiraahdo Nordic Nations ee dhaca waqooyiga Yurub dacalka waqooyina kaga yaalla badda atlantikada ay sameynayaan wareeg taariikhi ah.
Haddaba maxaa looga baahan yahay dalka doonaya inuu ku biiro NATO?
Gaashaanbuurtu NATO oo la aas-aasay 4-tii April, sanadkii 1949-kii- si ay uga illaaliso dowladaha xubnaha ka ah khatar weliba oo kaga imaan karta Midowgii Suufiyeeti-, waxey tobaneeyo sano waday dedaalo ay ku kordhineyso tirada dowladaha ku jira ururka, kuwaasi oo billawgii ahaa 12 dal, haddase ah 30-ka.
Inkasta oo hanaanka xubin ka noqoshada gaashaanbuurta uusan qaabeysneen, wadooyinkuna kala dheeraan karaan, haddana tillaabada ugu horreeysa ee looga baahan yahay dalka doonaya inuu ku biiro NATO waa inuu si rasmi ah u shaaciyeen rabitaankiisa uguna gudbiyaa ururka.
Xulafada ayaa intaasi kaddib ka shuureynaysa, waxeyna su’aalo weydiinayaan wadanka rabitaankiisa banaanka soo dhigay, iyaga oo ka eegaya inuu buuxiyay shuruudaha “Study on Enlargement”.
Waxaa ka mid ah shuruudahaasi, in dalku leeyahay hanaan siyaasadeed dimuquraadi ah oo shaqeynaya, Suuq dhaqaale oo furan, si cadaalad ah ula dhaqmaa qoomiyadaha laga tirada badan yahay ee ku hoos nool, inuu awoodo, rabana inuu ku biiriyo ciidan howlgallada NATO iyo Inuu ixtiraamo madax banaanidda wadamada dariska la ah, sida ku dhigan cahdiga xulafada.
Haddii uu wadanku buuxiyo shuruudahaasi waxaa la billaabaa in la qiimeeyo codsigiisa, xaaladaha qaarkood waxa uu helaa dalka oo logu casuumaa Qorshaha Hawl-galka Xubinimada ee loo soo gaabiyo (MAP), kaasi oo ah nooc ka mid ah barnaamijyada diyaarinta, waana marxaladda ay hada ku jirto dowladda Bosnia and Herzegovina.
Intaasi ka dagaal, wadanka waxaa lagu marti-qaadaa wadahadalada ka mid noqoshada gaashaanbuurta NATO, waxaa xubinnimadiisa ansixiya dhammaan 30 dowladood ku jiro xulafada milatari ee ugu ballaaran adduunka, sidaas ayuuna kaga mid noqdaa.
Inaksta oo wakaaladda Wararka AP oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan NATO ay daabacday in hanaanka xubinnimada Finland iyo Sweden ay qaadan karto toddobaadyo kaliya, hadda diidmada Turkiga waa mid sheekada sii dheereyn karta.
Iyada oo ku andacooneysa in labadan dowladood ay taageeraan kooxda PKK ee ugu xisaabsan urur aragagixo, ayey xukuumadda Ankara gaashaanka ku dhufatay codsigaasi. sida qorshuhu yahay wafdi ka socda labada dowladood ayaa la filayaa inay booqdaan Turkiga si ay ugu qanciyan rabitaankooda.
Tan iyo inta uu ka ogolaanayo Turkiga oo xubin ka ah NATO, waxaa suuragal ah in codsiga noqdo mid kor loo hayo, sidii ku dhacday North Macedonia oo dalabkeeda codka diidmada qayaxan uu u adeegsaday Giriigga, inkastoo markii danbe uu ka qaaday sidaasina ay uga mid noqotay gaashaanbuurta.