Himilo – In ka badan 14 milyan oo muslimiin ah ayaa booqday masjidka Nabigeenna Muxamed NNKH ee ku yaala magaalada Madiina ee dalka Sacuudi Carabiya tan iyo markii ay bilatay bisha barakeysan ee soon.
Warsidaha Saudi Gazette, ayaa daabacay in tiro ku dhaw 14,772.46 ay tageen masjidka Suubbanaheenna, taasi oo ka dhigan middii ugu badneyn ee booqata tan iyo xayiraddii feyruska karoona.
Dadkan 4,200,000 oo ka mid ah waxey ku cumereysteen masjidka Nabiga labaatankii cisho ee u horreeyay bisha Soon-qaad.
Fahd Al Jalajil, wasiirka caafimaadka boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay in wasaarddu qaadeyso tillaabo weliba oo looga taxadarrayo caafimaadka muslimiin cumreysanaya, lana dardargeliyay laamaha caafimaadka sida isbitaallada iyo xarumaha kale ee bixiya adeegyada kale ee aas-aasiga ah.
Marka la gaaro bisha Ramadan muslimiintu waxey badiyaan acmaasha suuban ee u dhaweyneysa Allaha abuuray, Cumradana waa mid ka mid ah.
Masjidka Nabiga, waa hooygii uu degay markii uu kasoo haajiray magaalada Makka. Waa masjidkii seddaxaad ee la dhiso taariikhda, waana goobta labaad ee ugu barakada badan marka laga yimaado masjidka wayn ee Makka.