Home / Macluumaad / Muxuu yahay ujeedka safarka Donald Trump ee Khaliijka?

Muxuu yahay ujeedka safarka Donald Trump ee Khaliijka?

Himilo – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka degay caasimadda Sacuudi Carabiya ee Riyadh, isaga oo bilaabay booqasho rasmi ah oo taariikhi ah oo uu ku tagayo saddex waddan oo ku yaalla Khaliijka toddobaadkan.

Trump ayaa lagu wadaa inuu la kulmo hoggaamiyaha dhabta ah ee dalka Sacuudiga, Dhaxal-suge Mohammed bin Salman, wuxuuna ka qeyb geli doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda waddamada Khaliijka oo ka dhacaya Riyadh maalinta Arbacada.

Booqashadiisa ayuu uga sii gudbi doonaa waddanka Qatar, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono madaxda dalkaasi, wuxuuna safarkiisa ku soo gabagabeyn doonaa Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) maalinta Khamiista.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu Middle East dib ugu laabanayo si taariikhi ah, maadaama tani tahay booqashadiisii ugu horreysay ee heer madaxweyne tan iyo markii uu markale xafiiska la wareegay.

Ujeedada ugu weyn ee safarkan ayaa lagu sheegay inay tahay xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed, soo jiidashada maalgashi, iyo weliba wada-hadalka ku saabsan xiisadda ka taagan Gaza.

Waxaa sidoo kale suurtagal ah inuu ku biiro wadahadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, kuwaas oo ka socda waddanka Turkiga, in kastoo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin in uu safar u aadayo halkaas.

Safarkiisa Bariga Dhexe wuxuu ku soo beegmay kaddib markii Mareykanka iyo Shiinaha ay gaaren heshiis muhiim ah oo lagu dhimayo cashuuraha ganacsiga ee labada dhinac boqolkiiba 115 muddo 90 cisho ah, taasoo lagu doonayo in lagu dejiyo dagaalka dhaqaale ee muddada socday.

Trump ayaa ku tilmaamay heshiiskaas inuu yahay “dib-u-dejin buuxda” oo ku yimid xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan