Himilo – Tuulo ku taalla koonfurta dalka Nigeria waxaa la ogaaday in ragga iyo dumarka deggan ay ku hadlaan afaf kala duwan
Dadka ku nool magaalada yar ee Ubang oo beeralay ah waxay arrintan kala af duwanaanta ah u arkaan hibo ay la gaar yihiin.
Ma cadda waxa sababay in ragga iyo dumarka ay ku kala geddisnaadaan af-maalilaha ah ee lagu hadlo balse waxaa loo tiirinayaa xeerar dhaqan.
“Waxaa jira ereyo badan oo ay wadaagaan ragga iyo dumarka halkan balse waxaa jira kuwo kale oo ay ku kala duwan yihiin.” Sidaa waxaa yiri cilmi baare daraasad ka sameeyay degaanka.
Arrinta xiisaha leh waxay tahay labada dhinac way is fahnaan iyagoo ku hadla afaf kala duwan. Luuqadda Uband ma aha mid laga dhigo iskuulada, aqoonyahanada degaanka ayaa ku talinaya in laga mid la xafido si aysan u dabar go’in.
Radio Himilo
