Home / Cayaaro / Olombikada Tokyo oo dib loo dhigi karo sabab la xiriirta coronavirus

Olombikada Tokyo oo dib loo dhigi karo sabab la xiriirta coronavirus

Himilo – Cayaaraha Olombikada ee ka dhacaya Tokyo ayay suura gal tahay in dib loo dhigo dhammaadka 2020 sabab la xiriirta feyriska sii faafaya ee coronavirus.

Wasiirka Olombikada Japan haweneyda lagu magacaabo Seiko Hashimoto oo la hadashay barlamaanka dalkeeda ayaa sheegtay in ay heshiis suura gal ah la gashay Guddiga Olombikada Caalamka ay oggolaadeen in dib loo dhigi karo tartanka.

“Heshiiska waxa uu yahay in ciyaaruhu la qabto inta lagu guda jiro 2020. Taasi waxay ka tarjumeysaa in si oggolaansho ah dib looga dhigo karo tartanka ayay Seiko Hashimoto ugu warcelisay kaddib weydiin uu hordhigay xildhibaan ka tirsan Japan.

Wakhti xaadirkan, ciyaaraha Olombikada ayaa la qorsheynayaa in ay qabsoomaan July 24 ilaa August 9 iyada oo arrinkan ay ku adkeysannayaan labada dhinac ee Japan iyo Guddiga Olombikada Caalamka kuwaasi oo doonaya in jadwalkan uu ku qabsoomo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan