Home / Cayaaro / Paris Saint-Germain oo ku sii dhawaanaysa saxiixa Paul Pogba

Paris Saint-Germain oo ku sii dhawaanaysa saxiixa Paul Pogba

Himilo – Kooxda Paris Saint-Germain ayaa isku diyaarinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba sida ay sheegayaan wararku.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka 12-kii bilood ee dhammaatay waxaa mustaqbalkiisa ku hareereysnaa xogo ah inuu baxayp, iyadoo 28-sano jirkaan qandaraaskiisa Old Trafford uu dhacayo bisha June.

Sidaas darteed, Pogba ayaa haatan xor u ah inuu ka hadlo oo uu heshiis hordhac ah la galo kooxaha Yurub ka hor inta uusan xagaaga si xor ah ugu wareegin.

Pogba ayaa dhawaan kasoo laabtay dhaawac uu uga maqnaa kooxda Man United, waxaa u diiwaan gashay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay safashadiisa hal gool iyo hal caawin.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan